Jen. Biixi: ” Qofkii qof shacab ah xabad ku rida tiirka ayaa geyneynaa”

Published: December 4, 2021

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee xoogga dalka, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ciidamada Dowladda uga digay in ay dhibaato u geystaan dadka shacabka ah, wuxuuna sheegay in askarigii qof shacab ah xabad ku rida in tiirka maxkamadda la geynayo.

“ Waxaan rabaa halkan in aan uga faa’ideysto dhammaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed meel kasta uu joogo, ama ha noqdo mid ilaalo ah oo madax la socdo, qofkii qof shacab ah xabad ku rida wallaahi tiirka Maxkamadda ayaa geyneynaa,” ayuu yiri Generaal Biixi.

Sidoo kale, Generaal Biixi ayaa sheegay in habeenadan magaalada Muqdisho uu ka dhacayay falal amnidaro oo aad u fool xun, kuwaas oo qaarkood lagu dilay dhalinyaro waxbartay oo ubaxii dalka ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono askarii shacab dhibaateeya.

Taliyaha Ciidamada dhulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa hadalkan ka jeediyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo uu ku soo dhoweeynayay cutubyo ka tirsan ciidamada kumaandooska Qaranka ee Gor Gor.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa xalay sheegay in ay ha’adaha amniga gacanta ku soo dhigeen askar dilal ka geystay magaalada Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *