Madaxweyne Deni oo kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Puntland ee Garowe

Published: December 4, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Hoggaamada Ciidanka Booliska sida Xafiiska CID-da, xafiisyada shaqo ee Fara-baarista, Kuwa Isgaarsiinta iyo dhismaha cusub ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland, Waxaana uu ka dhegaystay warbixinta Amniga, shaqada socota iyo qorsheyaasha horumarin ee yaalla,Wuxuu Madaxweynuhu faray in la dardargeliyo adeega amni ee Bulshada loo hayo.

Dowladda Puntland waxay ahmiyad gaar ah siisay Amniga iyo Ciidamada, Isbedelka iyo tayeynta Ciidanka Booliiska Puntland waa mid ka muuqda xarunta Taliska Ciidanka Booliska, Saraakiisha iyo dhammaan Ciidanka Booliska Puntland meel walbo oo ay joogaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *