Wasiirka Arrimaha Dibadda oo wadahadal la yeeshay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Published: December 4, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Danjiraha Jamhuuriyadda Talyaaniga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane  Alberto Vecchi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga  iyo wax-wada-qabsiga Labada Dal.

Safiirka ayaa Wasiirka la wadaagay salaan iyo hambalyo ku aaddan xilkan cusub ee loo magacaabay, taas oo uu uga siday Dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Talyaaniga. Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisaciid  Muuse Cali oo xusay saaxiibtinnimada dhow iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa tilmaamay sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya Dowladda Talyaaniga..

Intii uu kulanku socday waxaa laga wada hadlay adkaynta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee dhinacyada ammniga, dhaqaalaha, bini-aadannimada, horumarinta iyo dhanka Waxbarashada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii ay dowladda Talyaanigu gacan uga gaysan lahayd tababarrada iyo tayaynta shaqaalaha dowladda, iyo sidii ardayda Soomaaliyeed ay fursad uga heli lahaayeen deeqaha Waxbarasho ee dowladda Talyaaniga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *