Dacwadda Eedeysane loo heysto dil toogasho oo ka socota Galgaduud

Published: December 5, 2021

Maxkamada Gobolka Galgaduud ayaa maanta fadhigii ugu horeeyay ka yeelatay dhageysiga dacwad ciqaabeed dil ah oo loo heysto eedeysane Cismaan Ciise Afrax oo Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Galmudug uu kusoo eedeeyay dil goobtiisa ganacsi loogu geystay 06-12-2020 Alle ha u naxariistee Marxuum Daahir Cabdulle Cabdi oo ka mid ahaa ganacsatada deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Maxkamadda, Axmed Salaad Kulane ayaa inta aan la guda-gelin dhageysiga dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada difaacayay eedeysanaha kahor, sharaxaad balaaran ka bixiyay eedda iyo cida dhibanaha ka ah.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Galmudug Cabdikariin Maxamed Xirsi oo cuskanaya xaanshi qiraal ah oo eedeysanaha laga qoray iyo cadaymo kale oo laga soo uruuriyey goobta falku ka dhacey ayaa garsoorka ka dalbaday in eedeysanaha la mariyo ciqaab adag.

Dhanka kale Abuukaate Xalane oo difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in qodobada eedu yihiin kuwo aan waafaqsaneen sharciga.

Ugu dambeyn, guddoonka Maxkamadda ayaa dib u madlay fadhi kale in la isugu soo laabto, iyadoo xeer ilaalinta loo diray in ay soo dhammeystirto qodobada eedda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *