Guddiga Doorashooyinka FEIT oo laalay labo kursi oo dhawaan lagu doortay Baydhabo

Published: December 5, 2021

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa shaaciyay in dib loogu laabanayo doorashada labo kursi oo katirsan Golaha Shacabka,kuwaasoo dhawaan lagu doortay Magaalada Baydhabo.

Kuraasta ayaa kala ah HOP103 iyo HOP154, Guddiga ayaa sheegay in Kursiga HOP154 oo ay kusoo baxday Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla laga keenay dacwad ka timid da’da qofka la tartamay oo haweeney aad u yar aheyd sidaas dareedn lagu laabanayo doorashada kursiga.

Sidoo kale Guddiga FEIT ayaa cadeeyay in kursiga HOP-103 oo uu horey ugu fadhiyay Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari ay ka timid dacwad la xiriirta in laga hor istaagay in uu u tartamo kursiga sidaas awgeedna lagu laabanayo doorashada kursigan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *