Madaxweyne Deni oo daahfuray Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland

Published: December 5, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Daah-furay Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland.

Machad-ka ayaa loo qorsheeyay sanadka u horeeya in uu tababaro 1000 Shaqaale ah, kuwaasi oo macalimiintii tababari lahayd iyaga waxbarasho loogu dirayo Kenya Bishan gudaheeda.

Waxaa mashruucan iska kaashanaya Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyo Dowladda Kenya, iyadoo wada shaqeyn toos ah ay dhexmari doorto Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Dowladda Kenya iyo Machad-ka Tababarka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Puntland ku hoggaamiyay Siyaasad lagu tayeynayo Dowladdnimada iyo adeegayaasha Bulshada, waxaa hore loo tababaray Ciidamada hadana Waxaana la billaabaya tababarista Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *