Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo wadahadal la yeeshay Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM

Published: December 5, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Ciidamada AMISOM, Janaraal Diomede Ndegeya, iyaga oo ka wada hadlay waajibaadka shaqo ee ciidamada AMISOM.

Intii uu kulanku socdey waxaa diiradda lagu saaray sidii loo hirgelin lahaa qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso sugidda amnigeeda qaran, iyada oo qorshaha kala-guurka lagu salaynayo heshiisyadii hore loo gaarey iyo waaqica jira, maadaama waajibaadka shaqo ee ciidammada AMISOM uu ku egyahay bishan December.

Sidoo kale, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa ka wada hadlay qaabka ay isu la falgeli lahaayeen Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeeed iyo kuwa AMISOM iyada oo mar walba masuuliyadda jihaynta ay leeyihiin Soomaalidu.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *