Isimada Puntland oo go’aamo kasoo saaray xiisadda Hay’adda PSF

Published: December 7, 2021

Isimada dhaqanka Puntland ayaa soo saaray go’aamo lagu xalinayo xiisadda maalmihii lasoo dhaafay ka taagnayd magaalada Boosaaso ee ka dhalatay xilka qaadistii uu Madaxweyne Deni ku sameeyay hogaanka Ciidanka PSF.

Isimada oo soo saaray go’aamo dhowr qodobo ka kooban ayaa go’aamiyay in ay dhaqan-gashay xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni uu xilka kaga qaaday Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Dyaano, looguna magacaabay Aamiin Cabdillaahi Xaaji Kheyr.

Qodobada waxaa kamid ah  in guryaha, hubka iyo gaadiidka PSF uu mulkiyadooda leeyahay Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

Sidoo kale qodobo ay soo saareen isimadu waxaa kamid ah in ay dowladda bixiso xuquuq 13 bilood ka maqnayd ciidamada PSF iyo kharashka ilaalada gaarka ah ee Agaasimihii hore Maxamuud Cismaan Cabdillaahi Diyaano.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *