Yuweri museveni “Qaraxyadii Kampala waxaa laga soo abaabulay Kenya iyo Soomaaliya

Published: December 7, 2021

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in qaraxyadii mataanaha ahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Kampala laga soo abaabulay wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in baaritaano ay sameysay Dowladdiisa ay ku ogaatay in kooxo fadhigoodu uu yahay wadamadan ay ka dambeeyeen qaraxyada inkastoo kooxda Daacish ay horey u sheegatay masuuliyadda qaraxa.

Museveni oo wareysi gaar ah siinayay Wakaaladda Wararka ee Reuters ma uusan soo bandhigin magacyada kooxaha uu sheegay in ay ka dambeeyeen qaraxyada ismiidaaminta ah iyo halka ay kaga sugan yihiin wadamada Kenya iyo Soomaaliya.

Hase ahaatee waxa uu carabka ku adkeeyay in dowladdiisa ay hada wixii ka dambeeya ay xil iska saari doonto kahortagga weerarada argagixiso ee ay geysanayaan kooxaha argagixisada ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *