Puntland oo ka hortimid qodobadii kasoo baxay Isimada ee arinta PSF

Published: December 8, 2021

Xukuumadda Puntland ayaa si adag uga hortimid go’aan ka soo baxay qaar kamid ah Isimada Puntland kaasoo ay ku go’aamiyeen qodobo xal nabadeed looga gaarayo arinta xilka qaadista hogaanka Ciidanka PSF oo ay kamid tahay in guryaha, hubka iyo gaadiidka PSF uu leeyahay Agaasime, Maxamuud Cismaan Diyaano xilkana uu wareejiyo.

War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in guryaha, hubka iyo gaadiidka PSF ay yihiin hanti dowladeed, waxaana nasiib-darro ay ku tilmaantay go’aanka Isimadu ku siiyeen Maxamuud Cismaan Diyaano.

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in go’aanka isimada gaar ahaan qodobka hubka, hantida iyo guryaha PSF oo la siiyo Agaasimaha xilka laga qaaday uu meel ka dhac ku yahay sharafta dowladnimada, isla markaana uu dhiirri-gelinayo musuq maasuq iyo boob lagu sameeyo hantida dowladda.

Dowladda Puntland waxay amar ku siisay Agaasimaha xilka laga qaaday Maxamuud Cismaan Diyaano in uu sida ugu dhakhsaha badan u wareejiyo dhammaan hantida hay’adda PSF.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Go’aan ka Isimada G/Bari waxay si dadban u garab istaageen Agaasimaha Hay’adda PSF ..
    Waxaanan filayaa, micnaha u huwan-yahay go’aan ka Isimadu waa ..Kama qaadi kartid Agaasimaha xilka u hayey, waayo, Hubkii iyo Saldhig yadii Hay’adda, hadday u xukumeen Agaasimaha wuxuu wareejiyaan meesha ma yaaliin…uguna dareen bixinta 13 bilood kharajkii Hay’adda ku baxay…waxaan aaminsanahay waxay tuseen Deni inuu qaldanyahay

  2. Maxaa doorashada la isugu hawlayaa haddii dadkii la doortaba ay u joogaan kaabo-qabiillo ku qabsanaya hawshii loo doortay?
    Hab maamul oo la idiinku soo hagaago yeesha:

    1. in dadka ad doorataan idin hoggaamiyaan. ama
    2. in kaabo-qabiil idin hoggaamiyo.