Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Ka Badbaaday Qarax Ka Dhacay Jowhar

Published: December 11, 2021

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa si kulul u Cambaareeyay qarax miino oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar, kaasi oo lala beegsaday Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle.

Qoraal kasoo baxay Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaas lala beegsadayb Xildhibaano iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goob maqaaxi ah, waxaana ku dhaawacmay Xildhibaano iyo dad kale.

Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan ayaa qaraxaas dhacay ku tilmaamay mid argagaxisinimo, waxuuna Caafimad deg-deg ah Alle uga rajeyay intii waxyeelada kasoo gaartay oo ay kamid yihiin Xildhibaan Cumar Gaabow iyo Yuusuf Cabduqaadir Kanaani.

Sidoo kale Guddoomiye Lukmaam ayaa waxaa uu Hay’adaha Amniga Maamulka faray inay qaadaan talaaboyin deg deg ah oo lagu xakameynayo falalka amni darro, isagoona ku  booriyey inay gacanta kusoo dhigaan kuwii kadambeeyay weerarka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *