Madaxda Hirshabeelle Iyo Qatar Oo Ka Hadlay Mashruuca Dhismaha Wadada Jowhar Ilaa Muqdisho

Published: December 16, 2021

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Qatar u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Xasan Xamze Maxamed.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta Deegaannada Hirshabeelle, iyo dar-dargalinta mashruuca Dhismaha Wadada Jowhar iyo Muqdisho oo ay maalgalineyso dowladda Qatar.

Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan ayaa Safiirka Dowladda Qatar uga mahadceliyay doorka muuqda ee taageerida dowladda Qatar siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo ku saleysan Arrimo kala duwan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sidoo kale Safiir Xasan Xamze Maxamed ugu mahadceliyay arrimaha Gargaarka, horumarka iyo dhismaha wadada isku xirta Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *