Madaxweynaha Puntland Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Lagu Soo Dhoweeyey Baydhabo

Published: December 19, 2021

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo, xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaasi oo uu kaga qeybgalayo munsaabadda sanad-guurada 3-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha Shaati-gaduud ee Baydhabo, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Siciid Fiqi, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Baydhabo.

Soo dhoweynta kadib Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonur Galbeed Mudane Axmed Cabdikaariye Qoorqoor iyo Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa wadajir ula hadlay Warbaahinta, waxaana Madaxweynaha Puntland uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen wufuuda ka kala socota Puntland, Galmudug iyo dadka kale ee halkan lagu martiqaaday.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, xubno ka mid ah senatarada cusub ee Puntland ku metelaya Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *