Wasiir Gallan “Waxaan diyaar u nahay xabad joojin iyo wadahadal

Published: December 22, 2021

Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin iyo wada-hadal kadib dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo saacado badan qaatay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in Maleeshiyaad qoyleysato ah oo uu hoggaaminayo Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ay weerar kusoo qaadeen Ciidamada ammaanka oo howlgal kujira sida uu yiri ,waxaa uuna dusha ka saaray mas’uuliyadda khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka Boosaaso.

 Wasiir Gallan ayaa sheegay in ay la soo xiriireen Odayaal, Ganacsato iyo Culama’udiin, iyaga oo ka codsaday in xabada la joojiyo, isla markaana iyaga dhankooda mar walba ay diyaar u yihiin xabad joojin iyo wada-hadal.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *