Guddiga doorashada Jubbaland oo la kulmay saraakiil loo xil saaray sugida amniga doorashada

Published: December 26, 2021

Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland SEIT Dr. Siyaad Maxamed Mursal ayaa xarunta guddiga doorashooyinka ku qaabilay saraakiil uu hoggaaminayey Taliyaha ciidamada Booliiska qaybta Gobolka Jubbada hoose Sadiiq Mohamed Dhogor iyo saraakiil ka socotay Booliiska AMISOM oo qeyb ah ka sugida amniga goobaha loo asteeyay doorashada.

Guddoomiyaha iyo saraakiisha ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii si hufan loogu sugi lahaa amniga doorashooyinka soo socda iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo guddiga ka shaqeynaya arrimaha doorashada.

Doorashooyinka dalka ayaa billaawday, iyadoo maamulada qaar ay bilaabeen doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waxaana jubbaland laga filayaa in todobaadkan gudihiisa lagu doorto qaar ka mid ah kuraastii ugu horeysay ee golaha shacabka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *