Jubbaland: Xildhibaan Xasan Cabdi oo markale loo doortay Golaha Shacabka Federaalka

Published: December 28, 2021

Magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ee Jubbaland waxaa haatan ka socota doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha golaha Shacabka ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Xasan Cabdi Ismaaciil ayaa ku guuleystay kursiga HOP 217 (Degmada Afmadow) ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu helay 71 cod, halka Maxamed Faarax Muxumed oo la tartamayey uu helay 20 cod.

Waxaa kala dhamaatay doorashada Kursiga uu kusoo baxay Dr.Xamza Barre oo helay 69 cod, halka musharraxii la tartamayayna uu isna helay 17 cod, waxaana hallaabay 15 cod , sida uu sheegay guddiga doorashada ee Jubbaland.

Sidoo kale waxaa kursiga 3aad ku tartamay, Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Siyaad Aadan Iidle, Cabdirashiid Jire Qaline ayaa helay 75 cod, halka Siyaad Aadan Iidle uu helay 20 cod.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *