RW.Rooble oo hambalyeeyay xildhibanada lagu doortay Jubbaland

Published: December 28, 2021

Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyay dowlada Jubbaland iyo Xildhibaanada maanta lagu doortay magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland , Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo isaga oo ku adkeeyay Guddiyada Doorashooyinka in doorashadu ay noqoto mid daahfuran oo waafaqsan habraacyada doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale u hambalyeeyay xildhibaannada maanta la doortay oo uu u rajeeyay in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.

Raysalwasaare Rooble

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *