Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Wasiiro, Wasiiru Dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeeno

Published: December 29, 2021

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Seni ayaa lagu magacaabay Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo wasiiru dowlayaal ka tirsan Xukuumadda Dowladda Puntland.

1. Waxaa Axmed Yuusuf Qahar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowladda Puntland.

2. Waxaa Rashiid Maxamuud Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

3. Waxaa Khadar Faarax Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland.

4. Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland.

5. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Axmed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *