Maraykanka oo ku celiyey in Doorashada Soomaaliya xiligeeda ku dhacdo

Published: December 29, 2021

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xaliyo khilaafka hada jira isla markaana lasoo gabagabeeyo doorashada Soomaaliya.

Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken

Mr.Blinken ayaa khadka telefoonka kula hadlayey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo uu kala hadlay xaalada dagaala ka socda Itoobiya iyo xiisada ka jirta dalka Soomaaliya.

Kenya ayaa xiligan kamid ah xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo lagu cadaadinayo madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya in la dhameystiro doorashada Soomaaliya oo marar badan wakhtigeedii dib uga dhacday.

Dalalka Soomaaliya daneeya ayaa sheegay inay taageersan yihiin dadaalka Raysalwasaare Rooble ee dhameystirka doorashada, xili Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xilka markale u tartamaya uu sheegay inuu shaqadii ka joojiyey Raysalwasaaraha.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *