NISA: Roobow ma buuxin sharuudihii cafinta!

Published: December 29, 2021

Hay’ada NISA oo ka jawaabeysa amarkii uga yimid Wasaaradda Amniga oo codsatay inay faah faahiyaan sababta xabsiga loogu hayo Mukhtaar Roobow ayaa jawaab deg deg ah ka bixisay iyadoo sheegtay in Roobow uu weli khatar ku yahay amniga dalka.

Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha KMG ah Yassin Farey ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Roobow oo lasoo xiray 2018 illaa iyo hadana aan maxkamad lasoo hortaagin inuu buuxin waayey shuruudihii cafinta, walow Roobow xiliga la xiray uu ahaa murashax u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed isla markaana qaatay shahaadada murashaxnimada.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in xaalada caafimaad ee Roobow ay tahay mid fiican, inkastoo wareysi uu dhawaan bixiyey Roobow sheegay inay xaaladiisa halis ku jirto.

NISA ayaa ku dooday inay bil walba lacag gaareysa 7kun oo dollar ku bixiso nolosha Roobow oo ay sheegtay in lagu hayo guri khaas ah oo ay ku booqan karaan qoyskiisa, waa sida hadalka loo dhigayee.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *