WHO oo digniin kasoo saartay faraca cusub ee Covid19 (Omicron)

Published: December 29, 2021

Hay’ada Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa maanta oo Arbaca ah sheegay in khatarta uu leeyahay cudurka Omicron uu yahay mid aad u sareysa, kadib markii tirada kiisaska dunida ee COVID-19 ay kor u kacday 11 boqolkiiba todobaadkii hore.

Warka ayaa imaanaya iyadoo dhowr waddan oo Yurub ah, oo ay ku jiraan France, UK, Holland, Italy, Greece iyo Portugal ay la tacaalayaan caabuqa cudurkaasi oo u faafaya si xowli ah.

Dalka Mareykanka ayaa la sheegayaa in lagu arkay 440.000 oo kiisas cusub ah, halka dalka Faransiiska uu soo gudbiyay in 24-kii saac ee la soo dhaafay in la helay 180,000 oo qof oo nooca cudurkan uu ku dhacay.

Warbixin cusub oo todobaadle ah oo ay soo saareen WHO ayeey ku sheegtay in caddayntan ay muujinayso in faracan cusub ee Omicron uu si ka fudud ugu dhaco dadka marka lala barbardhigo faracii kahoreeyey ee Delta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *