Rooble, Deni Iyo Axmed Madoobe Oo Ku Kulmay Muqdisho

Published: December 31, 2021

Raysal wasaaraha xil-gaarsiinta ee dowlda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.

Madaxda ayaa ka wada hadlay qabanqaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho, waxaana kulanka madaxweynayaasha ku wehliyey wasiirka amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Inta badan madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku sugan Muqdisho, marka laga reebo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo horey isagu u cadeeyey inaanu ka qaybgalayn shirka uu ku baaqay Raysalwasaare Rooble.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *