Madaxweyne Laftagareen Oo Galabta Lagu Soo Dhoweeyey Muqdisho

Published: January 1, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta lagu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ka qeyb gali doona shirka Wadatashiga Qaranka ee arimaha doorashooyinka kaa oo uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa horey magaalada Muqdisho ugu sugnaa madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Puntland, Jubaland iyo Hirshabeelle.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *