Guddoomiyihii Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo is casilay

Published: January 2, 2022

Guddoomiyihii Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa Qoraal uu ku qoray Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay sidan:

Saaka waxaan u gudbiyay Xubnaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland warqad aan ku bannaynayo jagada Guddoomiyanimo ee Guddiga, sidoo kale isla saaka waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka la wadaagay warqad aan isaga casilayo xubinimaddii Guddiga ee aan kusoo shaqaynayay muddo 2 sano iyo bar ah” ayuu qoraal ku yiri Guuleed.

Guuleed Saalax Barre wuxuu sheegay in ay ka horyimaadeen duruufo adag oo sababay inuu shaqada ka tago, inkastoo uusan faahfaahin waxa ay yihiin duruufahaasi.

Waxaan qorshaynayay inaan qayb kasii ahaado shaqada adag ee Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddigu u hayaan bulshada reer Puntland, laakiin duruurfo iga hor yimid dartood waxaan goostay inaan banneeyo booska” ayuu yiri Guuleed.

Guuleed ayaa u mahad celiyay dhamman bahdiisii shaqada iyo taageerayaashi Geedi Socodka Dimuqraadiyada Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *