Mareykanka oo dalalka Itoobiya, Mali iyo Guinea ka saaray barnaamij taageerada ganacsi ee Afrika

Published: January 2, 2022

War qoraal ah oo uu soo saaray, Wakiilka Ganacsiga ee Mareykanka,ayaa lagu sheegay in dalalka Itoobiya,Maali iyo Gini laga joojiyay barnaamijka ganacsiga canshuur la’aanta ah ee Afrika,ka dib markii lagu eedeeyay xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo afgambi dhawaan dhacay.

Qoraalkaasi ayaa lagu muujiyay in Maraykanku uu aad uga walaacsan yahay ku xadgudubka xuquuqda bini’aadamka ee ay geysanayaan dalalkaasi,waxaana lagu dalbaday in wadamadaasi ay u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah ee ilaalinaya xaqa dadka rayidka ah.

Warbixintaan ayaa lagu sheegtay in Itoobiya, Mali iyo Guinea laga yaabo inay dib ugu biiraan heshiiska haddii ay buuxiyaan qodobbada qaanuuniga ah ee tilmaamaya dowlad wanaaga iyo dhowrista xuquuqda dadka.

Illaa hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay safaaradaha Washington ee saddexda dal ee Afrikaanka ah.

Sharciga ganacsiga ee AGOA wuxuu siinayaa wadamada ka hooseeya Saxaraha Afrika canshuur la’aan inay ku galaan Mareykanka,isla markaana ay sameystaan maalgashi, haddii ay buuxiyaan shuruudaha u degsan dalkaasi.

Barnaamijka AGOA,waxaa sanadkii 2000 ansixiyay Koongeeska Mareykanka ,waxaana loogu talagalay in lagu caawiyo dhaqaalaha dalalka Afrika iyo in la wanaajiyo xidhiidhka dhaqaale ee Maraykanka iyo Qaaradda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *