Maxay tahay sabata Guddoomiyihii guddiga doorashada Puntland isu casiley?

Published: January 2, 2022

Guddoomiyihii guddiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqey in uu xilkaas iska casiley, sidoo kalane wuxuu ka tanaasuley xubinadii guddiga, sababta ugu weyn ayuu ku sheegay duruufo aanu shaqadiisa ka sii wadan karin, waxaa sidaas oo kale is casiley isaguna ku xigeenkiisi oo xilkii baneeyey, tan ayaa ahayd dhul gariir siyaasadeed oo ku yimid hannaan socodka dimoqraadiyeynta Puntland ee la dhihi karo waxay ahaaan lahayd waxa ugu weyn ee Dowladda Siciid Cabdullaahi waa uga duwanaan lahayd kuwii ka horeeyey.

Haddaba maxay tahay sababta rasmiga ah ee burburka guddiga kumeel gaarka ah ee TPEC?

Is-casilaadda Guuleed Saalax Barre ayaa ah mid muujineysa fashilka nidaamka xisbiyada ee Puntland dul hoganaya kadib doorashooyinkii hordhaca ahaa tijaabadana u ahaa Puntland inteeda kale, culeysayada saarnaa TPEC ayaa soo marey wejiyo kala duwan.

Isku daygii dib u dhigga doorashada

Ururka KAAH ee xukuumadda Puntland ku mideysan tahay oo adeegsanaya ururo kale oo yaryar ayaa isku dayey in xiliga doorashada dib loo dhigo, waxaana arintaas diidey TPEC, waxaana ku raacey ururada SINCAD, Mideeye iyo Horseed, markii TPEC sheegtey in doorashada la qabanayo xiligeedi ayey ururadii kale ku khasbanaadeen in ay galaan doorashada.

Farogelinta doorashadii Oktoobar 2021

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax iyo xubnaha la shaqeynaayey waxay si weyn ugu dedaaleen in aan la musuqmaasuqin doorashooyinkii hordhaca ahaa, waxaana ay ku heleen sumcad wanaagsan, laakiin waxaan sinaba ugu qancin arrintaas, Ururka KAAH ee xukuumadda Puntland hor boodeyso ayaa isku dayey in natiijada wax laga beddelo, iyaga oo isticmaalaya codad lacag lagu beddesho iyo ku tagrifal awoodeed, laakiin natiijadii waxba waa ka beddeli waayeen, waxaana doorashadu u ahayd mid guuldarro huwan, ayna guulesyteen uraradii mucaaradka ahaa.

Ururka KAAH waxaa mar kale u cuntami weydey in magaalooyinka Qardho iyo Ufeyn ay soo wada dhistaan labada urur ee SINCAD iyo MIDEEYE, waxaana ay isku dayeen in ay ka hortagaan midowga labada urur ee xaq u lahaa in ay ku midoobi karaan dhisadda maamulka degmooyinkaas, waxaana gacmo ku gabbad noqdey xildhibaanadii laga soo doortey degmnooyinka Qardho iyo Ufeyn kuwaas oo lacago badan lagu baayacay, ehelkooda shaqada ka haya dowladda loo isticmaaley, intaas aan lagu joogsan ee madaxda ururadaas qaarkood loo dhacay, kadib markii isku day kasta socon waayey, waxaana ay noqotey ama in aan anagu maamulkii dhisno ama in meesha lagu kala tago.

Daahinta ku dhawaaqida natiijada

Markii ururka Kaah ku guuldaraystey in ay heli karaan codad ay iibsadaan, oo la musuqmaasuqo shacabkii isbeddelka u codeeyey, waxay kale oo ciyaareen kaarkii dowladda waxaana si ulakac ah loo daahiyey ku dhawaaqidda natiijada rasmiga ah ee maxkamadda. Maxkamadda sare waxay ku dhawaaqdey natiijadii bilowgii Diseember, waxaana loo gudbiyey Wasaaradda Arrimaha gudaha oo laga doonaayey in ay ku dhisto degmooyinka muddo yar gudaheed ilaa hadda ma dhicin.

Khiyaamada laga galay shacabka Puntland

Dadka Puntand dhibaato badan ayey u mareen in ay helaan maamul ay soo doortaan, waxaana kamid ahaa hooyooyin fooshu ku qabatey iyaga oo saf ku jira, waxaana ilaa hadda saddexda degmo ka taliya maamul la soo magacaabey oo dadku aysan dooran, kuwaas oo dejinaya qorshayaashii hormarinta degmada isla markaana gelaya heshiisyo kala duwan.

Haddaba haddii codkii shacabku uu noqdeey WOOD KHASAARO miyeysan la gudbooneyn in guddoomiye Guuleed Saalax Barre iyo ku-xigeenkiisuba is casilaan, iyagu shaqadoodi waa ka soo baxeen, laakiin shacabku waa arkaan cidda ku fashilantey in ay ka jawaabaan codkii shacabku dhiibtey, saddex bilood ka hor.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *