Qurba-joogta Puntland Oo Baaq Kasoo Saaray Dagaalkii Boosaaso

Published: January 2, 2022

Qurbajoogta Puntland ee dal-udug ayaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo sababay khasaaro xoogan oo isugu jira naf iyo maal.

Hoos ka akhriso:

BAYAANKA QURBA-JOOGTA DAL-UDUG

BAAQII I-aad

Annaga oo ku hadlayna magaca wax-garadka Dal-udug ee qurbaha ku dhaqan, waxaan ka xunnahay dagaalkii labada cisho socdey ee ka dhacay magaalada Boosaaso. Dagaalkaasi oo bilowdey 21-12-2021 wuxuu geystey khasaaro xooggan oo isugu jira mood iyo nool. Intii ku dhimatayna Allaha u naxariisto, intii ku dhaawacantayna Allaha u booga-dhayo. Dagaalku wuxuu ahaa mid laga baaqsan karey marka la’eego goorta uu dhacay, goobta uu ka dhacay, sababta loo aaneeyey in uu ku dhacay iyo ciidamada leyska hor-keeney. Wxaanu ka digeynaa tala-xumida ceynkaas ah in ay markale soo noqoto.

Sida la ogsoon yahay, dagaalka waxaa isaga hor yimid ciidamada Dal-udug, wuxuuna ahaa masuuliyad daro ay ka muuqatay. Waan ka xunnahay dhimashadii, dhaawacii, Burburkii iyo barakicii uu sababey. Haddaba anagoo ka duulaynay Baaqii Isimadu kasoo saareen Magaalada Boosaaso iyo kulamada Nabad-raadinta ee hada laga wado Magaalada Boosaaso, waxaan si qadarin leh u bogaadinaynaa dhammaan dhaqanka iyo masuuliyiinta ku hawlan in lasoo celiyo nabadii iyo dagaanshihii magaalada Boosaaso.

Waxaan soo jeedinaynaa in la iska kaashado gurmadka dadkii ku wax-yeeloobay dagaalkaas oo keenay dhimasho, dhaawac iyo barakac. Aqoon-yahanka iyo Wax-garadka Dal-udug gaar ahaan gobolka Barri waxaan ugu baaqaynaa inay ku baraarugaan sidii la iskaga kaashan lahaa gurmadka dadka dhibaataysan iyo xoojinta Amniga. Waxaan soo jeedineynaa, qayb kamid ah cashuurta dekadda Boosaaso in lagu bixiyo kharajka booga-dhayga ah ee wax looga qabanayo dhaawacyada uu dagaalku geystey.

Waxaan markale bogaadinaynaa dhammaan inta ku howlan Nabadda iyo xasiloonida shaqaaqadan ka dhalatey Boosaaso.

Magacyada hoos ku xusan waa xubno kamid ah qurba-joogta Dal-udug oo si wada-jir ah isula-qaatey baaqan:

  1. Jaamaac Cali Jaamac (UK)
  2. Cismaan Xaaji Nuur Yuusuf (Canada)
  3. Jibriil Maxamed Yuusuf (Sweden)
  4. Cabsdulqaadir Nuur Salaad (Fiisiko) (Mareekan)
  5. Yaasiin Beel-daaje Cabdullaahi Beel-daaje Maxamed (UK)
  6. Cismaan Qaalib Yuusuf (Australia)
  7. Dr. Aadan Maxamed Ciise (Canada)
  8. Col Abdirisak Farah Weyrah (Belgium)
  9. Fowzi Maxamuud Cabdulle Seeraar (Sweden)
  10. Cabdullaahi Ismaaciil Boqor (UK)
  11. Dr. Xirsi Cabdi Cismaan (Norwey)
  12. Maxamed Warsame Dhooley (Newzealand)
  13. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Australia)
  14. Cumar Khaalid Yuusuf (UK)
  15. Abdimaalik Diiriye Samantar (Belgium)
  16. Cabdisamad Siciid Xirsi (Canada)
  17. Prof Abdiwali Mohamud Gurey (UK)
  18. Xuseen Xssan Xirsi (Sweden)
  19. Cabdul-qaadir Shiikh Ismaaciil Wayrax (Switzerland)
  20. Cumar Maxamuud Dhoollawaa (Australiya)
  21. Maxamed Shariif Faarax (UK)
  22. Sharmaarke Aw-Cilmi (Mareekan)
  23. Yaasiin Maxamuud Yuusuf (Sweden)
  24. Warsame Cusmaan Saalax (UK)
  25. Hanad Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (Finland)
  26. Dr. Cumar Cabdi Barre (UK)
  27. Mahad Maxamed Warsame (Australia)
  28. Deeqo Maxamed Jibriil (Mareekan)
  29. Cabdi Nuur Cali Dhigane (UK)
  30. Cabdulqaadir Salaad Maxamuud (Switzerland)
  31. Cumar siciid Xirsi Guushaa (Australia)
  32. Ceydaruus Cismaan Yuusuf (Mareekan)
  33. Cabdiraxmaan Haayan Saalah (UK)
  34. Mukhtaar Cabdullaahi Carab (Sweden)
  35. Dr. Sahro Maxamed Axmed (Norwey)
  36. Axmed-Dayib Nuur Cismaan (UK)
  37. Maxamed Xasan Cali (Finland)
  38. Maxamed Cabdicasiis M. Xirsi Guushaa (Australia)
  39. Cabdirisaaq Ibraahin Cigaal (Sweden)
  40. Prof. Maxamuud Xirsi (UK)
  41. Cali H Mohamed warsame (Switzerland)
  42. Maxamed Siciid Cali (Kanada)
  43. Guuleed Cali Hurre (Sweden)
  44. Axmed Faarax Maxamuud (UK)
  45. Xuseen Xasan Xirsi (Sweden)
  46. Cali Khaalid Yuusuf (UK)
  47. Axmed Maxamuud Cabdulle (Sweden)
  48. Cabdirisaaq Siciid Cabdi (qotome) (Switzerland)
  49. Axmed Faarah Maxamed (Wiil Bari) (UK)
  50. Axmed Cigaal Hassan (Belgium)
  51. Warsame Cusmaan Saalax (UK)
  52. Cabdi Cali Diiriye Laalac (Sweden)
  53. Cabdulqaadiir Jaamac Faarax (UK)
  54. Maxamed Xasan Daahir (UK)
  55. Mustafe Qaalib Yuusuf (Holland)
  56. Maxamed Cali Yuusuf
  57. Barre Faatax (UK)
  58. Bullaale Maxamed Siiq (Sweden)
  59. Cabdi Kayse Gaas (Switzerland)
  60. Maxamed Siciid Maxamed Guure (UK)
  61. Dr. Saadiq Enow (Sweden)

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. waynu soo dhaweynaynaa baaq nabadeed ay waxgaradkan kor ku xusan ay ku dhawaaqeen waxaynu rajeynaynaa in mar kale uusan dhicin dagaaladan oo kale waa kugu dhimay oo
    kaa dhintey. Alle SWT ha laga baqo oo dhiig dambe yunan meeshaasi ku daadan.waxaa loo baahan yahay in laga waantoobo sida xun ee wax loo raadinaya.