Ciidanka xoogga oo howlgalo ka dhan ah argagixisada ka sameeyey duleedka Balcad

Published: January 3, 2022

Ciidanka Xoogga dalka qeybta 3-aad gaar ahaan guutada 27aad ayaa howl-galo ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab ka sameeyay Degaanada Isgoys, Mareereey iyo Gololeey iyo degaano kale oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Hoolgalkaan ay sameeyeen Ciidanka xoogga daka Soomaaliya waxaa hoggaaminaayay  Abaanduulaha Guutada Sedexaad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Abshir Maxamed Maxamuud{Abshir Kaaran} oo ka hadlay ayaa yiri:

Tuulada Biyoole, Mareereey tuulooyinkaan saakay waxaan u aadnay inaan xaqiijino amniga, Bulshada deeganadaas aad ayaan ugu mahadcelinaynaa, Siday noosoo dhaweeyeen, iyo siday umuujiyeen garab istaagooda. Maamulada deegaanadaas waxaan leeyahay bulshada way idiin heelantahee soo garab istaaga”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *