Beelihii Ku Dagaalamay Saax-Maygaag Oo Xabad-Joojin La Dhexdhigay

Published: January 6, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo weftigii uu hogaaminayey oo ku sugan deegaanka Saax-meygaag ee Gobolka Sool, ayaa dadaal ku bixiyay nabadeynta laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi dagaal xoogan ku dhexmaray.

Dadaal dheer kadib ayaa waxaa lagu guuleystay in la sameeyo xabad joojin, isla markaana loo gudbo Shirka nabadeynta ee lagu dhex dhexaadinayo maleeshiyo beeleedka Colaada ku dhexmartay Saax-meygaag.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa hoggaamin doona Shirka nabadeynta ah oo maalinta berri dhici doona, Kaasi oo ay ka wada qeybgeli doonaan dhammaan Isimada iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

Axmed Karaash ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Puntland in ay u istaagaan sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen nabada, isla markaana loo xalin lahaa dagaal beeleedyada soo laab-laabtay ee salka ku haaya murano dhuleed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *