Guddiga Rooble u saaray dhacdadii Villa Somaliya oo u yeeray 5 Sarkaal

Published: January 6, 2022

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Gaashaandhiga ee XFS kuna socota Taliyaha ciidamada ayaa lagu sheegay in shan sarkaal oo kamid ah ciidamada Guutada 77aad laga doonayo inay maalinta Sabtida ah hortagaan Guddiga Xukuumada u saartay baaritaanka dhacdadii (27kii December) ciidamadan ku hor-istaageen Raysalwasaare Maxamed Xusseen Rooble.

Saraakiisha loo yeeray oo la rumeysan yahay inay yihiin kuwii bixiyey amarkii ay ciidamada Madaxtooyada doonayeen inay kula wareegaan Xafiiska Raysalwasaare Rooble ayaa kala ah:

  • Gaashaanle Sare: Xasan Aadan Dhicis (Taliyaha Guutada 77aad)
  • Gaashaanle: Shaafici Nuur Axmed (Abaanduulaha Guutada 77aad)
  • Gaashaanle Dhexe: Cabdi Yaasiin Cali Kooshin (Taliyaha ururka 60aad) Guutada 77aad
  • Gaashaanle: xasan Duwane Cumar (Abaanduulaha ururka 60aad) Guutada 77aad
  • 2-Xidigle: Muuse Maxamed Caddow (Shaarib) Taliye Koox Horinta Gurmad ee ururka 60aad.

Maalinta Sabtida soo socota oo ku beegan 8da Janaayo saacadu markay tahay 10ka subaxnimo ayaa la sheegay in saraakiishan laga doonayo inay iska soo xaadiriyaan guddiga baaritaanka wada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *