Tiro Al-Shababab ah oo lagu dilay deegaanka Baxdo

Published: January 7, 2022

Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa iska caabiyay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Baxdo, halkaasi oo ay ku dileen 20 ka tirsan maleeshiyaatkaasi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa Warbaahinta Dowladda u xaqiijiyay in barqanimadii maanta Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen dad shacab ah oo ku sugnaa Bariga Gobolka Galgaduud, taasi oo keentay in Al-Shabaab iyo dadka ku dhaqan magaalada Baxdo oo garab ka helaya kuwa maamulka Galmudug ay dagaal culus ku qaadeen.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdulraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa u hambalyeeyay ugana mahadceliyey shacabka iyo maamulka degmada bahdoo sida geesinimada leh ee ay u difaacdeen magaaladooda, ugana adkaadeen cadowga.

“Maanta, dadka magaalada Bahdo waxay tusaale weyn u noqdeen shacabka Soomaaliyeed iyagoo difaacaya magaaladooda, waxaan u baahanahay inaan taageero buuxda siino” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Al-Cadaala.

Baxdo ayaa ku taalla Bariga Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *