Axmed Karaash Oo Guddi Magacaabay

Published: January 8, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash  ayaa guddi u magacaabay hubinta, kormeerka iyo dhaqangalka go’aanka Shirkii nabadaynta ee ka qabsoomay deegaanka Saax-meygaag ee Gobolka Sool.

Guddiga uu magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka kooban 7-xubnood ayaa ka shaqeyn doona hubinta iyo dhaqangalka go’aanka Shirkii nabadaynta ee maleeshiyo beeleed ku dagaalamay maalmo kahor degaanka Saax-meygaag.

Guddiga ayaa kormeer ku samayn doona in la kala qaaday maleeshiyaadka labada dhinac ee is hor-fadhiyey, kuwaasi oo la kala geynayo sida uu qorshahu yahay deegaannada Boocame iyo Birta-dheer ee Gobolka Sool.

1- Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf. Gudoomiye

2- Shiikh Maxamuud Maxamed Xaliike. Xubin

3- Gen:- Axmed Taajir. Xubin

4- Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre. Xubin

5- Caaqil Siciid Cismaan Shanlayste. Xubin

6- Caaqil Cabdullaahi Cali Barre. Xubin

7-  Maxamed Maxamuud Ciise(Awoowe). Xubin

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *