Maxaa ka khaldamay Dimoqraadiyaynta Puntland?

Published: January 8, 2022

Geedi socodka Puntland ay rabto inay uga guurto nidaamkii qabaliga ku salaysna una hayaanto doorashada qof iyo cod iyo nidaamka Xisbiyadda badan waa mid mar hore soo bilaabmay, madaxdii deegaankaa soo martayna midba heer soo gaarsiiyay.  Nasiib wanaag, dowlada uu hogaanka u hayo Madaxweyne Deni ayaad moodaa inay dhaqaajisay ama wadadii saxa ahayd cagta u saartay hirgelinta nidaamkaasi, iyadoo maamulkaasi ku guulaystay inay diiwaan gelinta xisbada siyaasada iyo inay fuliyeen doorasho tijaabo ah oo loogu gogol xaarayay doorashooyinka deegaanka , taasoo ka dhacday sadexda degmo ee kala ah; Qardho, Eyl iyo Ufayn.

Nasiib daro, iyadoo howshii dhexda looga jiro bilowna ay tahay, lana sugayay in dhamaan deegaamadda haray doorashadda gollaha deegaamadu ka dhacdo ayaa waxaa si lama filaana isku casilay Gudoomiyihii Guddiga ku meelgaarka ahaa ee Doorashooyinka Mudane Guuleed Saalax iyo ku xugeenkiisii.  Iscasilista Gudoomiye Guuleed waxay abuurtay dareen cusub iyo shaki badan o dadkii rajada ka qabay nidaamkaan gashay.

Hadaba, maqaalkani wuxuu taaban doonaa dhowr arimood oo ay ka mid yihiin:

  1. Maxaa ku kelifay Gudoomiye Guuleed inuu shaqada iska casilo?
  2. Maxaa ka khaldamay geedi socodkaan, seese lagu sixi karaa?

Maxaa kelifay Gudoomiye Guuleed inuu shaqada iska casilo?

Is casilidda Gudoomiye Guuleed inkastoy lama filaan ahayd, hadana dadka raacraaca hanaan socodka nidaamkaan isaga ah way arkayeen caqabadaha hortaagnaa Guddigga ku meel gaarka ah ee uu hogaanka u hayay Gudoomiye Guuleed.  Sidoo kale waxaa jiray cabashooyin ka imanayay qaar ka mid ah xisbiyadda is diiwaan geliyay, halka aad moodid dowladii la rabay inay howshaan ahmiyad gaar ah siisana inay ku mashquushay arrimo kale oo ay ka mid yihiin doorashadda Federaalka oo aad moodid in Madaxweyne Deni wakhtigiisii 80% uu gelinayo dagaalka Farmaajo iyo musharaxnimadiisa uusan weli iclaamin, shaqaaqooyinka amni daro ee Puntland kusoo kordhay ayaa iyaduna aad moodaa in madaxdii dowladu ku mashquulsan yihiin dab damis iyo nabadayn.   Gudoomiye Guuleed wuxuu dowladda iyo hogaankeeda ku eedeeyay inay fulintii natiidajii sadexda degmo ka caya jiideen, imkaaniyaadkii iyo laamihii dowligga ahaa ee howshaan inay fududeeyaana aysan dhamaystirin sida Maxkamada Dastuurigga iyo Maxkamadii sare ee tastiiqin lahayn natiijooyinka doorashooyin, si xubnihii la doortay ay xilka ula wareegaan, taasoo ay ahayd inay fusho 27 December, 2021.

Sidoo kale, waxaa jira inuu Gudoomiye Guuleed taabtay walow uusan sii faahfaahin inay jiraan ashqaas ka mid ah dowladda (ama mulkiilayaasha dowladda) oo aan rabin in nidaamkaani fulo , maxaa yeelay maslaxadooda gaarka ah ayaa nidaamkaani ka hor imanayaa.

Maxaa ka khaldan (ama ka khaldamay) geedi socodka nidaamkan?

Muddo laga joogo 53 Sanadood ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu danbaysay doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda geyiga Soomaaliyeed, 80% bulshadu ay arkaan, maqla ama ka qayb qaataan nidaamka xisbiyada badan.  Sidaa awgeed, aqoontii, awoodii, xirfadii iyo khibradii howshaan in lagu fuliyo ay tahay maaha mid ummadda Soomaaliyeed ama kuwa reer Puntland ay haystaan maanta, sidaa awgeed,  nidaam kasta oo cusub hirgelintiisa dhib iyo kufaa dhac ayaa lagala kulmaa mana aha mid sahlan hirgelintiisu, waana howl dulqaad, dhabar-adayg, iyo dad aaminsan howshaan oo naftood hurayaal ah ayun baana hirgelin kara nidaamkaan dowladnimada bulshada gacanteeda la gelinayo.   Sidoo kale nidaamkaani ma hirgel karo hadii masuuliyiinta dowladdu aysan ka go’nayn ina ay masiirka iyo awooda dalka dib ugu celin gacanba bulshada. 

Hadaba waxaa jira dhowr arimood oo aan u nisbaynayo in nidaamkaanu dhutiyo sida:

Khaladka 1aad:

Khaladka ugu weyn ee Puntland ay ku dhacday wuxuu ahaa inaysan aad uga fiirsan ama u daraasadayn qaabka uu u ekaanayo gollaha deegaanku, sida lagu dooranayo Guudoomiyaha degmo iyo xubnaha Gollaha deegaan.  Wadamo badan oo caalinka ka mid ah intaysan qaadan ama hirgelin awood hoos u dhaadhicinta iyo doorashooyinka bulsho waxaa gudoomiyayaasha degmooyinka soo magacaabi jiray dowlada dhexe.  Laakiin markii nidaamka dowladnimo la baahiyay hoosna loo dhaadhiciyay waxaa nidaamkaas uu gaaray ilaa heer degmo iyo tuulo, taasoo u saamaxday in bulshada deegaamadaasi awood u yeeshaan doorashada xubnaha gollaha deegaankooda.  Dalalka qaar Gudoomiyaha degmada bulshadaa doorata, halka wadamada badankooduna gollaha la doortay ay iska soo dhex doortaan gudoonkooda kaasoo noqon doona Gudoomiyaha degmadda.

Sidoo kale wadamada Federaalka ah waxay kala qaateen laba nidaam, kaasoo ah in wadama qaar ay doorashada gollaha deegaanka ku tartamaan musharaxiin xisbiyo matalaya, halka wada qaarna afraad ka mid ah bulshada degmadaasi isku soo sharaxaan oo ay ku tartamaan xilka gollaha deegaanka, oo xisbiyadu aysan shuqul ku lahayn.

Sidaa awgeed, inagoo fiirinayna curdaynimada nidaamka xisbiyadda badan ee Puntland, awood yaridooda dhaqaale, aqoon iyo xirfad yarida howl fuliyayaasha xisbiyadaasi, waxaad moodaa in Puntland ay ku khaldantay inay doorashooyinka gollayaasha deegaanka ku salayso nidaamka xisbiyadda.  Maxaa yeelay, hadii la rabo in Puntland horumarkeeda laga shaqeeyo, doorasho cod iyo qof la gaarsiiyo, nidaam xisbiyo awood iyo aqoon lehna loo dhiso, waxay ahayd in xisbiyadu ku tartamaan goboladda iyo doorashada Baarlmaanka Puntland iyo madaxweynenimada oo qudha oo aysan faraha la gelin doorashooyinka gollayaasha deegaan.   Waxaa hubaal ah in xisbiyadu aysan awood u heli doonin maamulka iyo maaraynta gollayaasha deegaan ee aadka u faraha badan, kabi karina baahiyada deegaamadaan, fahmi karina siyaasadaha hoose ee deegaamadaas.  Walow laga yaabo in dadka qaar u arkaan horumar hadii xisbiyadu gacanta ku dhigaan gollayaashaa deegaan, taasoo meesha ka saari karta nidaamka qabaliga ah oo hadba qolada deegaanka u badani iska maamulato masiirka ummada iyagoon ka tallo gelin qabiilada iyo bulshada kula nool lana leh deegaankaas.

Khaladka 2aad:

Waxaa jiray guux dadweyne oo ku aadanaa sadexdii degmo ee loo xulay in lagu tijaabiyo doorshooyinka gollahaasha deegaan.  Dad badan ayaa u arkayay inay khalad ahayd in sadex degmo oo dad isku hayb ahi degaan lagu soo koobo deegaamada lagu tijaabinayo doorashada, waxaa intii aan doorashadu dhicin dad badan soo jeediyeen in la waasiciyo deegaamada tijaabo, sig gobol kasta ama bulshada ku bahowday Puntland isaga wada dhex aragto doorashadan bilowga ah oo taariikhiga ah, mase dhicin.

Natiijadii kasoo baxdayna waxay noqontay mid dad badan usii xaqiijisay tuhunkoodii ahaa in dad gaar ah kubada loo salaxayo oo la rabo in aaraada dadka iyo caqligoodaba la sii geliyo in sadexda xisbi ee sadexdaan degmo ugu cod badani ay yihiin sadexda xisbi oo reer Puntland doorbidayaan ama ay xusheen, taasoo ah mid xaqiiqda ka fog.  Durba xisbiyadii aan codka badan ka helin sadexdaas degmo mucaarado ay ka gows adaygeen natiijadii iyo eedaymo musuqmaasuq ah ayay soo jeediyeen. 

Khaladka 3aad:

Ogolaansha codbixinta IDP’s ka (dadka ku soo barakacay Puntland ee ka yimid gobollada kale ee dalka).  Waxaa dad badan aaminsan yihiin in ula jeedada awoodsiinta IDP’s inay codeeyaan aysan ahayn mid sinaan iyo cadaalad bulsho aan looga gonlahaa, balse ujeedku ahaa oo qudha in dadkaasi loo adeegsado doorashada, sida meelo badan ka dhacdayna (dhaqankii Cali Yare) ayaa la adeegsaday ee ahaa gawaari ku soo daabul, u qaybi lacag biyo cabaal, kadibna u adeegso inay xisbigaaga u codeeyaan.   Waxaa taa ka sii daran, in maalmihii doorashooyinku socdeen ay soo baxday dhaqdhaqaaq dad oo ka dhex socday magaalooyinka, tusaale ahaan, maalintii doorashada ay dhacday, waxaa reer Garoowe ku kaftameen in magaaladii ay ku soo hareen “reer Garoowihii asalka ahaa”, taasoo ay ka wadaan in dad badan oo Garoowe ku nool ay Eyl iyo tuulooyinka ku xeeran u aadeen codbixin doorasho.  Ufayn iyo tuulooyinka ku teedsan laftigeeda dad badan oo Qardho ka tagay ayaa kasoo cod bixiyay.  Kolkaa waxaa su’aalo ka iman karaan habka lagu xakamayn karo inaan qof aan ku noolayn, lahayd aqoonsi deegaan loona cayimid goob cod bixin uusan dhiiban Karin cod. Iyo in aan IDP’s loo adeegsan doorasho ku shubasho ah. 

Isku soo duuboo, is casilistii Gudoomiye Guuleed waxay daruur madow dul dhigtay nidaamkii curdinka ahaa dimoqraadiyaynta Puntland, kaasoo Soomaali badan ku hanweynaayeen, tusaalena u noqon lahaa deegaamo badan oo Puntland kaga dayda hanaanka dowladnimo.

Puntland weli waxay fursan u haysataa inay nidaamkaas saxdo, wixii ka qaloocdayna toosiso, kalsoonidii bulshadana soo celiso, Ilgaar ahna ku hayso ama jawaab waafi ah ka bixiso qodobadan ama su’aalahan hoose:

  1. maadaama nidaamkii qabali ahaa uu fashilmay, kaasoo ah mid hadimo ku ah jiritaanka iyo midnimada Puntland, ayna jiraan weli shaqsiyaad (qaarkood dowlada ku dhex jiraan) kuwaasoo halis u arka hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo doorasho qof iyo cod, sidee lagu xaqiijin karaa inaysan masuuliyiintaas, mulkiilayaasha dowladda iyo hagbad sugayaashu fashilin nidaamkaan curdinka ah?
  2. maadaama deegaamo badan oo gobolka Sool ka mid ah aysan gacanta Puntland ku jirin, sidee dadka deegaamadaasi ku heli doonaan cidii matali lahayd, doorasho noocee ahse ayaa loo qoondeeyay?
  3. Maadaama Madaxweyne Deni uu yahay masuulka howshaan fulinteeda balan qaaday, uuna iminka Xamar u xirxiran yahay, side lagu xaqiijin karaa inaan nimaadkaani burburin hadii uu Madaxweyne Deli Xamar u shiraacdo?
  4. Maadaa ashqaasta xisbiyada furtay aanay ahay dad aqoon sidaa u buuran u leh howshaan ay faraha la galeen, sidoo kale aysan ahayn dad mabaadi, ahdaaf iyo barnaamijyo ay ka duulayaan isku bahaystay balse ku xulafoobay dano siyaasadeed ama shaqsi iyo hebel iska dhicin, taasoo jiritaanta xisbiyadooda ka dhigaya kuwo aan cago badan ku taagnayn, sidee lagu xaqiijin karaa in la helo xisbiyo ay u dhamaystiran yihiin dhamaan arimihii xisbi siyaasadeed laga rabay si ay u noqdaan kuwo la isku hayan karo laguna soo hiran karo?
  5. ugu danbayn, waxaa dowlada looga fadhiyaa inay jawaab ka bixiso doodii iyo dacwadii Gudoomiye Guuleed, xaqiijisana in guddiga Doorashadu noqdo mid madax banaan awoodna u leh fulinta iyo xaqiijinta nidaamkaan isaga ah.

Farah Aw-Osman

awosman@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *