Muqdisho: Golaha Wadatashiga Iyo Midowga Musharaxiinta Oo Mar Kale Kulmay

Published: January 9, 2022

Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Raysal Wasaare Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqda Muqdisho ayaa haatan waxaa ay kulan la leeyihiin Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kulanka golaha iyo midowga musharaxiinta ayaa looga arrinsanayaa cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga Murashaxiinta iyo sidii loo dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Midowga Musharaxiinta sidoo kale ka dhageysanaya tallooyin ku aadan doorashada dalka, waxaana kulanka oo ka socda Teendhada Afiysooni ka qeyb galaya inta badan xubnaha Midowga oo ay ku jiraan Madaxdii hore ee dalka.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo Shirka Wadatashiga oo maanta galay maalintii 6-aad, iyadoona Shirka diirada lagu saarayey saxida waxyaabihii ka khalmaday doorashada iyo jaangoynta xiliga lasoo gaba-gabeeynayo doorashada Golaha Shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *