Wasiirka Gaashaadhigga JFS oo kula la qaatay ku-simaha Safaaradda Mareykanka

Published: January 10, 2022

Wasiirka Gaashaadhigga Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kula la qaatay ku-simaha Safaaradda Mareykanka Colleen Crenwelge iyo Saraakiil ka tirsan Safaaradda Mareykanka waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan horumarinta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo la-dagaallanka argagixisada.

Waxay hoosta ka wada xariiqeen ahmiyadda ay leedahay horumarinta Ciidanka iyo la dirirka aragagixisada, sidoo kalena Ciidamada ahmiyad gaar ah la siiyo si amniga guud ee Dalka loogu wareejiyo.

Ugu dambeyn, waxay labada dhinac isla garteen in Ciidamada laga fogeeyo ku milanka siyaasadda xooggana la saaro sidii ay ula diriri lahaayeen argagixisada caqabadda ku ah amniga iyo horumarka dalka.

Waxaa sidoo kale kulan labaad Wasiirka Gaashaandhigga JFS la yeeshey Howl-galka Tababarka Midowga Yurub oo ayaguna qeyb weyn ka qaata dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wuxuu warbixin kooban ka dhageystey waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshahooda mustaqbalka. Wuxuu sidoo kale la-wadaagay adeegyada iyo agabka hortabinta u leh Ciidanka Xoogga.

Ugu dambeyn, wuxuu wasiirka uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka iyo Midowga Yurub sida ay u garab taagan yihiin Dalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *