Banaanbaxii mucaaradka iclaamiyeen Khamiista oo la ogaaday halka uu ka dhacayo

Published: January 11, 2022

Iyadoo dhawaan la shaaciyey in banaanbax uu ka dhici doono Muqdisho khamiista isbuucaan 13-ka December ayaa hadana waxa shaki la gelinayey suurta galnimadiisa inuu qabsoomo iyo halka uu ka dhici karo.

Dibad baxaasi ayaa waxa kooxda abaabuleysa ay sheegeen in fasax ka heystaan qabashadiisa Wasaarada Amniga Dalka.

Banaanbaxa ayaa xog waxaan ku ogaanay in uu ka dhici doono fagaaraha daljirka dahsoon ee ku dhaw Koontaroolada Madaxtooyada laga ilaaliyo taas oo sida ay ku suurta gasho la ogaan karin.

Axmed Macalin Fiqi oo ka fal celinayey hadalkii Cali Yare waxa uu sheegay in aan dhag jalaq loo siin sidaa awgeedna ay shacabka ugu baaqay inay soo banaanbaxaan.

Sida ay hore usheegeen dhinacyada abaabuleysa banaanbaxa waxaa looga soo horjeedaa afgembigii fashilmay sida ay hadalka udhigeen 27-kii December 2021-kii lagu qaaday Xafiiska R/wasaare Rooble.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *