Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Imaaraatiga

Published: January 11, 2022

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Safiirka Dowlada Imaaradka Carabta ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Cuthmaan.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka garab istaaga iyo gurmadka ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameeyeen.

Puntland ayaa kamid ah maamulada xiriirka wanaagsan laleh dowlada Imaaraatiga oo uu kala dhaxeeyo xiriir ganacsi oo soo jireen ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *