Go’aanadii Issimada ee gobalka Bari iyo Magaalada Bosaaso

Published: January 12, 2022

Issimada Puntland ee ku sugan magaalada Bosaaso ayaa go’aankoodii 2aad kasoo saaray xaalada magaalada Bosaaso iyo xiisada u dhaxeysay Taliska PSF iyo Xukuumada Puntland.

Issimada oo horey usoo saaray qoraal ay ku xalinayeen xaalada PSF iyo magaalada Bosaaso ayey diiday Xukuumada Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, xukuumada oo weerar ku qaaday Taliska PSF ee magaalada Bosaaso, dagaalkaasi oo socday muddo 3 maalin ah dhamaadkii Bishii December ayey xukuumada ku guuldareysatay isku daygoodii militari.

Go’aanka xalay kasoo baxay Issimada ku sugan Bosaaso ayaa yimid kadib kulamo dheer oo ay la galeen siyaasiyiin, bulshada rayidka, Taliska PSF iyo xubno ka socda Issimada gobalada kale ee Puntland.

Hay’ada PSF

Lix qodob ee ku qoran go’aanka Issimada ayaa lagu sheegay in Ciidamada PSF sidooda usii jiri doonaan isla markaana aan waxna laga bedali doonin Taliskooda oo hada hoostaga Gen.Maxamuud Cismaan Cabdullahi.

Go’aankan ayaa lagu sheegay in khasaarihii dagaalkii bishii hore dhacay lagu xukumo shareecada Islaamka.

Dekada Bosaaso & Horumarinta caasimada Bari

Waxay sidoo kale Issimada markii ugu horeysay si toos ah uga hadleen mashruuca Dekada Bosaaso oo horey cabasho looga muujiyey shirkadii lagu wareejiyey [ P&O ports / DP World] inay jabisay heshiiskii ahaa inay dekada ku dhisto muddo 3 sano ah, iyadoo heshiiskaasi hada laga joogo 5 sano.

Issimada ayaa soo jeediyey in mashruuca balaarinta dekada laga soo wareejiyo shirkadaasi isla markaana ay dhisaan ganacsadata reer Puntland iyo Soomaaliya.

Waxay sidoo kale go’aamiyeen in 17% dekhliga dekada lagu horumariyo magaalada Bosaaso oo ah caasimada ganacsiga Puntland iyo xarunta gobalka Bari.

Magaalada Bosaaso waa in dib loogu soo celiyo hay’adihii horey xukumada Puntland uga rartay si magaalada u noqoto mid hesha xuquuqda ay ku leedahay Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan ayaa lagu yiri qoraalka Issimada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *