Nin Soomaali ah oo lagu wado in laga siidaayo xabsiga Maraykanka ee Guantánamo

Published: January 12, 2022

Xukuumada Biden ee Maraykanka ayaa ogolaatay in lasii daayo Nin Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiga Guantánamo Bay isagoo ah mid kamid ah maxaabiista ugu muhiimsan.

Guled ayaa ahaa maxbuuskii ugu horreeyay ee laga keeno xabsiyada qarsoodiga ah ee C.I.A. isagoona aan weligiis lagu soo oogin wax dacwad ah.

Guuleed Xasan Duraan, oo 47 jir ah, ayaa go’aankan loo sheegay subaxnimadii Isniinta, oo ku beegan sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xabsiga lagu hayo ee saldhigga ciidammada badda Mareykanka ee Cuba.

Waxa uu noqday maxbuuskii 15-aad ee 39-ka maxbuus ee weli ku jira Guantanamo oo loo ogolaaday in lasii daayo, hadii uu helo dal qaabilaya oo damaanad qaadaya amnigiisa.

Kuma laaban karo dalkiisa sida uu dhigayo xeerka wareejinta maxaabiista Guantanamo oo si gaar ah looga mamnuucay dalalka Soomaaliya, Libya, Syria iyo Yemen.

Waxaa suurto gal ah in xabsiga lagu sii hayo hadii la waayo wadan qaabila, sida horey ugu dhacday maxabiis loo ogolaaday in xabsigaasi laga wareejiyo.

Guled Duraan waxaa lagu qabtay dalka Jabuuti sanadkii 2004-tii, wuxuuna ku sugnaa ilaa 900 maalmood xabsiga qarsoodiga ah ee sirdoonka Maraykanka C.I.A., kahor intaan lagu wareejiyey xabsiga weyn ee Guantanamo Bay sanadii 2006 isagoon aan wax dambi ah lagu soo oogin.

John F. Kirby, oo ah afhayeenka wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ee Pentagon-ka, ayaa diiday inuu ka hadlo kiiskan. Walow ay warbaahinta Maraykanka shaaciyeen xogtan.

Maamulka Biden ayaa illaa iyo hada xabsiga ka wareejiyay hal maxbuus oo kaliya, nin u dhashay dalka Marooko.

Marka la go’aamiyo siideynta maxbuus ku xiran xabsigaasi waxaa loo baahan yahay inuu saxiixo xoghayaha gaashaandhigga Maraykanka, isla markaana Koongareeska waa in la siiyaa ogeysiis 30 maalmood ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *