Wasiirka Gaashaandhigga JFS oo kulan la yeeshey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey

Published: January 12, 2022

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga JFS Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan miro dhal ah la yeeshey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya, waxayna kawada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa Qorshaha Kala-guurka Qaran iyo sidii Ciidanka Xoogga Dalka ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.

Waxay sidoo kale hoosta ka xariiqeen in lasii kordhiyo Dib-u-habeynta ciidamada, sare u qaadidda howlgallada Amisom.

Ugu dambeyntiina wuxuu Wasiirka u caddeeyey inay ka go’an tahay Dowladda Federaalka inaan Ciidanka Xoogga la siyaasadeyn, kuna ekaadaan waajibaadkooda qaran.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey ergeyga gaarka taageerada ay la garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay u hanan laheyd amniga dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *