Cutubyo ka tirsan CXDS oo Tababar loogu soo xiray Baydhabo

Published: January 13, 2022

Cutubyo ka tirsan Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Dufcadii 9aad ayaa Magaalada Baydhabo tababar ugu soo xirey Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi (Ciirow).

Waxaa Munaasabada xiritaanka tababarka ka soo qeyb galey Wasiirka Amniga Isxaaq Cali Subug, Wasiirka Warfaafinta koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nur, Agaasimiyaal ,Saraakiil kala Socodey Ciidamada Xoogga Dalka ,Booliska, Nabadsugida, Asluubta, Amisom iyo UK.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Qeybta 60aad Dufcadii 9aad oo tababarka u soo xirmay ayaa lagula dardaamay inay si wanaagsan u gudtaan waajibka saaran.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *