Garowe: Muran ka taagan halka lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada

Published: January 13, 2022
2016, Gar

Kadib markii dhamaadkii bishii hore ee December 2021 Guddiga doorashooyinka heer Dowlad goboleed ee Puntland ay soo saareen in ay qabanayaan 10 kursi oo kamid ah 37 kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland, ayaa lagu wadaa in todobaadkan lagu dhawaaqo jadwalka kuraasta la shaaciyey.

Puntland iyo Hirshabelle ayaa ah maamulada keliya ee aan weli bilaabin doorashada kuraasta Golaha shacabka ee hal qalablaha ku socda.

Warar Horseed Media heshey ayaa sheegaya in weli muran ka taagan yahay halka doorashada lagu qabanaayo, waxaana lagu muransan yahay in ay ka dhacdo Xerada ciidamada daraawiishta ee 54aad iyo hoolka jaamacada PSU.

Xukuumadda Puntland ayaa iyadu dooneysa in doorashada lagu qabto 54aad, waxaana ay sheegayaan oo ku doodayaan in Jaamacaddaaha Puntland ay ku xireen lacago la xiriira doorashadii 2016.

Qaar kamid ah musharixiinta damacu kaga jiro tartanka ayaa walaac ka qaba in doorashada xildhibaanada la geeyo xero ciidan taas oo ka soo horjeeda hufnaanta doorashada ee la doonaayey in la qabto.

Shirkii ugu danbeeyey ee ay yeeshaan Madashada wadatashiga Qaran ayaa la isku raacey in la xaliyo tabashooyinka lagana dhigo doorashada mid hufan oo aan la boobin.

Doorashadii 2016 ayaa lagu qabtey hoolalka Jaamacadaha magaalada Garoowe.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *