Hantidhawrka Guud oo hakiyey shatiyada Kaluumeysatada shisheeyaha ah - Horseed Media

Hantidhawrka Guud oo hakiyey shatiyada Kaluumeysatada shisheeyaha ah

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa bilaabay hubin iyo dabagal ku sabsan sida loo maareyo xiliga kala guurka hantidad hey’addaha dowladda.

Warbixin kasoo baxday xafiiska hantidhowrka ayaa lagu yiri “Xafiisku waxaa uu jawaabta ku habboon ka bixiyay sidoo kalena ku wargeliyay hey’addaha ay khuseyso in la hakiyo bixinta ruqsadaha kalluumaysi ee maraakiibta shisheeye iyo qandaraaska hubinta tayada badeecadaha oo aan loo maareyn hannaan sharciga waafaqsan.”