Madaxweynaha Puntland oo Shirka guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada

Published: January 13, 2022

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay Amniga, Dhameystirka nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Nabadeynta Colaada Saax-maygaag iyo qabashada Doorashadda Golaha Shacabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland waxaa ka go’an dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxaana Golaha looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa qabashada Doorashadda ee degmooyinka kale ee Puntland.

Doorasho hal cod iyo hal qof in ay Puntland ka dhacdo waa arrin Dastuuri ah, waa go’aan la gaaray 1998-dii illaa iyo hadana lagu taameyey, anagana waan billownay waana naga go’antahay inaan dhammaan Puntland ka qabano.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha ayaa faray Mas’uuliyiinta iyo Hay’addaha Puntland ee ay khuseyso, in lagala shaqeeyo Guddiga Doorashada dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo dhakhso la qabanayo. Sidoo kale waxaa la dardargelin doona qorshaha doorashada looga hirgelinayo dhammaan degmooyinka kale ee Puntland.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *