Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada

Published: January 13, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta shir guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.

Isagoo ka hadlayay amniga dalka, Ra’iisul Wasaare Rooble oo lahadlay hay’adaha amniga “Waxaan farayaa hay’adaha amniga in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, Waxaan leeyahay laamaha amnigu waa in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan la dagaallanka argagixisada oo ah cadowga ugu weyn ee dalkeenna hortaagan”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble .

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay colaadiso dalal ay kala dhexeeyaan dano badan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiirrada iyo madaxda kale ee hay’adaha Xukuumadda in aysan ku tagri falin awoodda iyo hantida qaranka xilligan kala guurka ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *