Qoor-qoor Oo Dib Ugu Laabtay Dhuusamareeb

Published: January 14, 2022

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmihii ka dambe ku sugnaa Muqdisho ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor oo hoggaaminayay wafdi ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay ku-xigeenkiisa Cali Daahir, Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa Muqdisho uga qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan lasoo gaba-gabeeyay, kaasi oo heshiis looga gaaray khilaafka doorashada dalka, laguna muddeeyay doorashada Golaha Shacabka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *