30-sano kadib saxafiyiintii ugu horeeyey oo ka qalin-jebiyey Jaamacadda Umadda

Published: January 15, 2022

30-sanadood kadib dufcadii ugu horeysay – arday baratay cilmiga saxaafadda ayaa maanta ka qalin-jebisay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Waa ku dhawaad 45 arday oo dhammaystay heerka koowaad ee Jaamacadda, waxayna barteen culuumta saxaafadda oo ay soo dhiganayeen afar sano iyo bar.

Inta badan saxafiyiintaan waxay ka howl-galaan warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale saxafiyiinta maanta ka qalin-jebisay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxaa ku jira, Maxamuud Yuusuf Culusow oo ah arday isagoo Jaamacadaan ka dhigta kulliyadda saxaafadda ay dalka ka qarxeen dagaaladii sokeeye 30-sano ka hor.

Markii ay burburtay dowladnimadii Soomaaliya Maxamuud sidaas ayuu ku waayay fursadiisii waxbarasho, balse hadda waxuu nasiib u yeeshay in dufcadii ugu horeysay 30-sano kadib uu ka mid noqdo.

16-September, sanadkii 2017-kii ayaa dib loo howl-geliyey Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Ummadda. Muddo 30 sanadood ah kadib, dufcadii ugu horeysay hadda waxay u diyaar garoobaysaa xafladii qalin-jebinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku heysa maamulka Jaamacadda Umadda, waxayna ardayda dhigata wax ku bartaan si bilaash ah ama lacag la’aan.

Waxaa xusid mudan in qeyb ka mid ah ardaydaan ay weli sii wada doonaan fursad wax barasho oo isla Jaamacadda Umadda ay ka heleen, taas oo ay ku baranayaan Luuqadda Talyaaniga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *