Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Doortay Guddoomiye Cusub

Published: January 15, 2022

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa doortay Guddoomiyaha cusub ee guddigaas, kadib doorasho adag oo maanta ka dhacday xarunta Teendhada Afiysooni ee magaalada Muqdisho.

Doorashada xilka Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Muuse Geelle Yuusuf iyo Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan, kuwaasi oo isku diiwaan-geliyey tartanka xilka Guddiga.

Xubnaha Guddiga ayaa Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal u doortay inuu noqdo Muuse Geelle Yuusuf oo helay codad gaaraya 14 Cod, halka Musharaxii kale Cabdiraxiin Cabdicasiis uu helay 11 Cod.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *