Madaxweyne Deni Oo Magacaabay Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland

Published: January 15, 2022

Madaxweynaha Dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa taliyaha madaxtooyada Puntland u mgacaabay G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati).

Hoos ka akhriso wareegtada:

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 15-ka January 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa Ciidanimo

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1-Waxaa G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

*Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *