AKHRISO: Qurbajoogta Puntland Oo Bayaan 2aad Kasoo Saaray Xiisadda Boosaaso

Published: January 16, 2022

BAYAANKA QURBA-JOOGTA DAL-UDUG BAAQII II-aad

Annaga oo ku hadlayna magaca wax-garadka Dal-udug ee qurbaha ku dhaqan, baaqayagan II-aad, waxaan bogaadin iyo taageero ugu muujineynaa go’aanka geesinimada leh ee Isimada Dal-udug ay ka qaateen shiqaaqadii ka dhacdey Boosaaso.

Go’aankan ay shanta Isim soo-saareen boqorkuna uu guddoonshey wuxuu soo baxay maantii ay taariikhdu ahayd 11-01-2022-ka. Go’aanadan lixda qodob ah waa kuwo masiiri ah oo xoojinayadhinacyada nolosha dhaqaalaha, dhaqanka iyo nabadgelyada Dal-udug. Sida ka muuqata qodobada bayaanka, Isimadu waxay tix-raaceen sidii uu dhaqanku ahaa oo ahayd in la qaboojiyo dagaalka lugaha loo geshey ciidamada walaalaha ah oo u dhisnaa difaaca Dal-udug.

Islamarkaas waxay go’aankooda ku bidhaamiyeen boogo u baahan in si dhab ah oo dhaqan ah loo dhayo. Boogahan ay tilmaameen waa kuwo caqabad ku ahaa, gebi ahaan nolosha bulshada Dal-udug iyo horumarkeeda, loona baahnaa in lala yimaado geesinimo lagu wajaho. Waxaanu markhaati ka nahay in xallinta shiqaaqadan ayan ku filleyn siyaasiyiinta degaanka. Siyaasadduna weligeed waxay ahayd fagaare ay adag tahay in la kala saaro danaha isku milan, danta gaar iyo danta guud. Sidaa darteed waxaanu halkaan, Isimada xushmadda mudan, go’aamadoodan in ay yihiin kuwo ku dhisan garsoor iyo wadaniyad. Islamarkaas waafaqsan heshiiskii lagu dhisey dowladda Dal-udug, kaas oo ay u riyaaqeen waayeelkii iyo waxgaradkii degaanka.

Bayaanka Isimada wuxuu daba joogaa raad tilmaamaya in Isimadu yihiin marjica lagu dheelli tiro khilaaf walba ee siyaasadeed ee ku yimaada hey’adaha dowladda. Waxaa xusid mudan, guddoonku in uu yimid xilli dhinacyadii khilaafku ka dhexeeyey ay oggolaadeen in markii labaad ay u tala-dhiibtaan in Isimadu dhexdhexaadiyaan mushkiladda. Si loo xoojiyo mashruuca nabadeynta ee lagu reebayo xabbadaha iyo qoryaha lagu dirirayo, dadkana dib loogu walaalaynayo. Si Boosaaso Deeqa ay dib markale ugu hesho nabaddii ay ku caan baxdey.

Si go’aamada sheydaanku ka taliyey ay goobta uga baxaan, islamarkaas Dal-udug uu u yeesho hankii iyo hooshaarkii uu lahaa. Baaqayagu wuxuu xoojinayaa, dowlad iyo Isimo in laga digtoonaado talooyinka sumeysan oo mashruuca nabadeynta ay kula soo galgalanayaan shakhsiyaadka lagu bartey in ay ka danaystaan dhiigga iyo dhididka danyarta Dal-udug. Isimada iyo dowladduba waxaanu u soo jeedineynaa, si qof walba oo reer Dal-udug ah uu u qaato qaybta kaga aaddan mashruuca nabdeynta, in xubnaha ka soo qaybgelaya gogosha nabadeynta ayan ku ekaan labadii ciidan oo dagaalku dhex-maray iyo dowladda oo keliya ee lagu kordhiyo xubno matala xisbiyada siyaasadda, bulshada rayidka ah, ganacsatada, culimada iyo waxgaradka Dal-dug.

Ugu danbeyn, annaga uu ku biireyna nabadoonada dhaqanka iyo waxgaradka taageerada u muujiyey go’aankii Isimada iyo Guddoonkii Boqorka, waxaanu ku baaqeynaa bulshada Dal-udug iyada oo isku duuban in ay si barax la’ oo daahfurnaan ku jirto loo baadigoobaa sababta uu ku dhacay dagaalkan iyo ciddii ka danbeysey in hubka xooggan lagu dhex diriro maatadii ay ahayd in la difaaco. Qiimahana ay bixiyaan ciddii ay ku caddaato denbigan aadaminimada laga galey ee caalamka ka xaraanta ah. Hadda wixii ka danbeeyana masuuliyadda ciidamadu waa in ay hayaan dad xilkas ah oo qaadi kara amaanada shacabku u dhiibtey. Sidaas ayuu shuushkana ku bixi karaa, qof walba oo laabta ka bukana uu ku shifoobi karaa.

Magacyada hoos ku xusan waa xubno kamid ah qurba-joogta Dal-udug oo si wada-jir ah isula-qaatey baaqan:

1. Jaamaac Cali Jaamac (UK)

2. Cismaan Xaaji Nuur Yuusuf (Kanada)

3. Jibriil Maxamed Yuusuf (Sweden)

4. Cabsdulqaadir Nuur Salaad (Fiisiko) (USA)

5. Yaasiin Beel-daaje Cabdullaahi (UK)

6. Cismaan Qaalib Yuusuf (Australia)

7. Maxamuud Xaaji Qore (Kanada)

8. Col. Abdirisak Farah Weyrah (Belgium)

9. Fowzi Maxamuud Cabdulle (Sweden)

10. Mustafe Qaalib Yuusuf (Holand)

11. Cabdullaahi yaasiin Maxamed (USA)

12. Ciise Maxamuud Dhoollawaa (Australia)

13. Cabdullaahi Ismaaciil Boqor (UK)

14. Dr. Xirsi Cabdi Cismaan (Norwey)

15. Maxamed Warsame Dhooley (Newzealand)

16. Yaasiin Maxamuud Xaaji Ciise (USA)

17. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Australia)

18. Yusuf Cilmi Maxamed (Sweden)

19. Cumar Khaalid Yuusuf (UK)

20. Abdimaalik Diiriye Samantar (Belgium)

21. Dr. Aadan Maxamed Ciise (Kanada)

22. Ismaaciil Xaaji Muuse Samantar (USA)

23. Prof Abdiwali Mohamud Gurey (UK)

24. Warsame Yaasiin Cismaan (Sweden)

25. Cumar Ismaaciil Boqor (USA)

26. Cabdul-qaadir Shiikh Ismaaciil Wayrax (Switzerland)

27. Cumar Maxamuud Dhoollawaa (Australiya)

28. Isir Yaasiin Cismaan (Kanada)

29. Warsan Jaamac Togox (USA)

30. Maxamed Shariif Faarax (UK)

31. Yaasiin Maxamuud Yuusuf (Sweden)

32. Cabdisamad Siciid Xirsi (Kanada)

33. Omar Ismail Boqor (USA)

34. Warsame Cusmaan Saalax (UK)

35. Hanad Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (Finland)

36. Samantar Xaaaji Muuse Samantar (USA)

37. Dr. Cumar Cabdi Barre (UK)

38. Cabduilaahi Hayaan Cali (Sweden)

39. Mahad Maxamed Warsame (Australia)

40. Deeqo Maxamed Jibriil (Mareekan)

41. Cabdi Nuur Cali Dhigane (UK)

42. Mahamed Abshir Maxamed Faratol (USA)

43. Cabdulqaadir Salaad Maxamuud (Switzerland)

44. Xuseen Muuse Boqor Cismaan (USA)

45. Maxamed Ismaaciil Cismaan (UK)

46. Guuleed Cali Hurre (Sweden)

47. Cumar siciid Xirsi Guushaa (Australia)

48. Qadar Cali Islaan (USA)

49. Ceydaruus Cismaan Yuusuf (USA)

50. Cabdiraxmaan Haayan Saalah (UK)

51. Maxamuud Cumar Samantar (USA)

52. Mukhtaar Cabdullaahi Carab (Sweden)

53. Dr. Sahro Maxamed Axmed (Norwey)

54. Cabdishakuur Cabdi Cissman (USA)

55. Dr. Saadiq Enow (Sweden)

56. Axmed-Dayib Nuur Cismaan (UK)

57. Maxamed Xasan Cali (Finland)

58. Cabdullaahi Maxamed Xirsi (USA)

59. Maxamed Cabdicasiis M. Xirsi Guushaa (Australia)

60. Cabdirisaaq Ibraahin Cigaal (Sweden)

61. Cali Maxamuud Fara-gaab (Holand)

62. Cabdifataax Cabdulqaadir Aw-Yuusuf (USA)

63. Prof. Maxamuud Xirsi (UK)

64. Axmed Salaad Maxamuud (USA)

65. Cali Xaaji Mohamed warsame (Switzerland)

66. Maxamed Siciid Cali (Kanada)

67. Abdullahi Kaarshe Yusuf (USA)

68. Shifo Ismaaciil Boqor (Kanada)

69. Kahin Axmed Maxamed (Sweden)

70. Xaawo Mxamed Ciise (UK)

71. Cali Xaaji Musse Samantar (USA)

72. Maxamed Muuse Gaacshe (Holand)

73. Axmed Faarax Maxamuud (UK)

74. Xuseen Xasan Xirsi (Sweden)

75. Xasan Cabdiraxmaan Aw-Maxamed (Holand)

76. Maxamuud Xasan Madoobe (USA)

77. Cali Khaalid Yuusuf (UK)

78. Axmed Maxamuud Cabdulle (Sweden)

79. Sharmaarke Aw-Cilmi (USA)

80. Maryan Cismaan Cabdullaahi (UK)

81. Siciid Muuse Qaar (Finland)

82. Sharmaarke Dayib Faarax (Sweden)

83. Cabdirisaaq Siciid Cabdi (qotome) (Switzerland)

84. Cabdirisaaq Muuse Dangale (Holand)

85. Kiin Cismaan Yusuf (UK)

86. Jabarti Muuse Cumar (USA)

87. Mikaa’iil Jibriil Maxamed (Sweden)

88. Axmed Maxamuud Seeraar

89. Axmed Faarah Maxamed (Wiil Bari) (UK)

90. Xaawo Firin Yuusuf (USA)

91. Cabdiraxmaan Yaasiin Maxamuud (Sweden)

92. Axmed Cigaal Hassan (Belgium)

93. Warsame Cusmaan Saalax (UK)

94. Yuusuf Cabdi Cismaan (USA)

95. Liibaan Maxamed Maxamuud Caynab (Holand)

96. Cabdi Cali Diiriye Laalac (Sweden)

97. Cabdulqaadir Jaamac Faarax (UK)

98. Rabiile Cumar Samantar (USA)

99. Maxamed Sal-bacaad (Holand)

100. Liibaan Maxamed Cali (USA)

101. Maxamed Xasan Daahir (UK)

102. Cabdiraxmaan Qaalib Yuusuf (Holland)

103. Faarax Muuse Cumar (USA)

104. Yuusuf Maxamed Xaaji Dayib (Sweden)

105. Cabdicasiis Yaasiin Axmed (USA)

106. Maxamed Cali Yuusuf (Finland)

107. Barre Faatax (UK)

108. Maxamed Cali Islaan (USA)

109. Bullaale Maxamed Siiq (Sweden)

110. Cabdi Kayse Gaas (Switzerland)

111. Maxamed Siciid Maxamed Guure (UK)

112. Faarax Cumar Ismaaciil (USA)

113. Cismaan Yaasiin (Sweden)

114. Axmed Xasan Madoobe (USA)

115. Farxaan Maxamed Maxamuud Caynab (Holand)

116. Abshir Cabdi Baydhabo (UK)

117. Mahamed Abdulqaadir Aw-Yuusuf (USA)

118. Maxamed-Bile Axmed Maxamed (Sweden)

119. Cabdulqaadir Maxamed Xirsi (USA)

120. Keyse Maxamed Yuusuf (UK)

121. Sharmarke Cli Islaan (USA)

Codka Qurba-joogta Dal-udug

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Warkaas war aad iyo aad u hili naya nabada Puntland waana goaan kii isimada Gobolka Bari ay gaareen Hambalyo